Madaxweyne Xasan Sheekh ka hadlay Muhiimadda qabashada doorasho qof & Cod ah.

22

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxda kale ee Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa si wadajir ah u qabtay war-saxaafadeed ay  faahfaahiyay  akaga qodobadii kasoo baxay war-murtiyeedka shirkii Golaha wadatashiga Qaran ee lagu  soo gaba gabeeyay Muqdisho .

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in  muhiim tahay in laga gudbo doorashooyinkii dalka dhaci jiray eek u salleysnaa Nidaanka qabaliga ,islamarakana shacabka Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabaan in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah si loog gudbo caqabadaha dalka muddada dheer uu ku soo jiray.

Madaxwenaha ayaa Xusay in muddadii ay jirtay Dawladiisa lagu guuleystay horumar dhinacyo badan taabanayo oo ay kamid tahay xoreynta degaanno badan oo Alshabaab  laga saaray , arrimaha Deyn cafinta dalka oo u sheegay in heer gaba-gaba ah ay mareyso

Sidoo kalana , dalka uu heli doonno fursado maalgashi iyo in dowladda ay qaadan karto lacago deyn ah oo qeyb wey ka qaadan doono dib u dhiska iyo kaabayasha dhaqaale ee dalka.

Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay ahmiyada dowladda ee ah in dadka Soomaaliyeed ee ayahooda ka tashtaan oo cida ay rabaan si doorasho qof iyo cod ah ay ku doortaan,dowladuna ay arintaa fududayn  doonto,sidoo kale waxa uu ka hadalay Madaxweynaha xoreynta degaannada dhiman, iyo qorshaha dowladda oo uu sheegay in loo baahan yahay nidaam xukun ah oo dalka dhan ku baahsan laga hirgaliyo degaanadaasi,si bulshada ay u hesho adeega dowladnimo ee ay u baahanyihiin loo gaarsinayo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrimaha gar-gaar ee xiliyada abaaraha iyo fatahaadaha ee bulshda ay sameeynta ku yeshaan,waxa u sheegay in loo baahan yahay in dalkeenno uu ka guuro caawinaad wadamada shisheeye oo ay dadka soomaaliyeed isku filnaadaan ,Soomaaliya dadkeeda sababa ay u baahnaadaan ma jirto.

Ugu dambeeyntiina Madaxweyne Xasan Xasan sheikh ayaa sheegay in ay donayaan in ay dalka ka hergeliyan Nidaamka Xisbiyada badan oo ku imaanaya doorasho qof iyo cod ah loona  baahan yahay in  shacabka Soomaaliyeed Fursad loo siiyo Nidaamkaas.