Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shir looga hadlayay xal u helida Barakacayaasha Dunida

45

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dalka Switzerland kaga qeyb galay shir la xariira sidii xal loogu heli lahaa dadka ay abaaraha, colaadaha iyo cunto yarida barakaciso.

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Xarunta La socodka Barakacayaasha Gudaha (IDMC) oo ah hay’ad caalami ah oo fadhigeedu yahay Geneva, ayaa lagu soo bandhigay in tirada dadka gudaha ku barokacay (IDPs) ay gaartay 71.1 milyan adduunka dhammaadki sanadkii hore, sababo la xiriira iska-hor-imaadyada iyo masiibooyinka cimilada.

Ergeyga ayaa madasha ka jeediyay aragtida dawladda Soomaaliya ee ku aaddan mushkilada iyo xalka arrimaha barakaca, isagoo diiradda saaray sida ay lagama maarmaan u tahay in wax laga qabto asalka mushkilada cunta yarida oo ah la’aanta maalgelinta mashaariicda dhisaysa adkaysiga bulshada, uguna horrayso maalgelinta beeraha iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Dalkeenna, barakacayaal gaaraya 3.6 milyan ayay colaadaha, abaaraha, fatahaadaha iyo cunto yaridu ku qasbeen in ay magaalooyinka buux dhaafiyaan, taas oo Soomaaliya ka dhigtay dalka ugu horreeya ee dadkiisu magaalooyinka iskugu soo ururayaan.

Ku dhowaad 46% dadka Soomaaliyeed waxay maanta ku nool yihiin magaalo, waxaana hoos u sii dhacaysa noloshii miyaga ee xoolo dhaqashada iyo beerashada.