Madaafiic lagu garaacay Xaafado katirsan Laas-Caanood & khasaaro ka dhashay

71

Ka dib dagaal xoogan oo duleedka Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo kuwa la magac baxay SSC ayaa waxaa tiro madaafiic ah ay ku dhaceen Xafado katirsan Magaalada Laas-Caanood.

Taliyaha Ciidanka Birjeex Ee Gobolka Mudug  uga tegay dagaalka Laas-Caanood  Gaashaanle Dhexe Maxamed Cabdillahi Xersi Tahliil ayaa sheegay in Ciidamada Somaliland ay soo weerareen Saldhigyada Ciidamada SSC, isla markaana dagaalkii ay la galeen ay gaadiid uga gubeen.

Wuxuu sheegay Sarkaalka in weerarkii ay kusoo qaadeen kadib ay tiro madaafiic ah u qeybiyeen magaalada Laas-Caanood, kuwaas oo qaarkood burbur xoogan u geystay Xarunta Maamulka Magaalada Laas-Caanood, isaga oo ku hanjabay inay ka guuleysan doonaan.

Wararka Risaala ay ka heleyso goobaha lagu dagaalamay ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo labada dhinac kasoo gaaray dagaalka iyo khasaaro dhaawac ah oo ka dhashay hoobiyeyaasha Ciidamada Somaliland ku garaaceen Magaalada Laas-Caanood.

Dagaalka Maanta ka dhacay duleedka Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa kusoo aadaya xilli Mareykanka war kasoo baxay loogu baaqay dhinacyada ku dagaalamay Magaalada inay joojiyaan dagaalka.