Shir laga yeeshay Amniga degaannada Jubbaland

44

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlada Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir gudoomiyey Shirka Bilaha ee Amniga Jubbaland kaas oo bishiiba mar la qabto.

Shirkan waxaa kasoo qeyb galay Xubno ka tirsan golaha Wasiirada Jubbaland, sarakiisha ciidamada kala duwan ee Jubbaland, Xooga dalka iyo Saraakiil ka socotay howlgalka ATMIS.

Waxaa shirkan diirada lagu saaray howlgaladii u danbeeyay ee Ciidamada kala duwan ay sameeyeen iyadoo warbixino lagaga dhagaystay Taliyayaasha Ciidamada.

Shirkan ayaa looga Tacsiyeyay Dadkii ku Wax yooloobay Qaraxii ay Al-Shabaab ka Geysteen Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.