Dhakhaatiirta Isbitaalka Baardheere oo sheegay in Isbitaalka uu ku bur burey Qaraxii ka dhacay degmada(SAWIRO)

48

Dhakhaatiirta iyo Howl wadeenada Caafimaadka ee Isbitaalka degmada Baardheere ayaa sheegay in  Isbitaalka uu ku bur burey Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shaley subax ka dhacay guriga Martida ee degmada,iyagoona sheegay  Burburkaasi xoogan inuu keenay in ay istaagaan shaqooyinkii ka soconayey Isbitaalka.

Dr.Axmed Maxamed Cabdi oo ah Agaasimaha Isbitaalka degmada Baardheere ayaa sheegay burburka ku yimid dhismaha Ibitaalka uu saameynku yeeshay Qaraxii shaley Subax ka dhacay guriga Martida oo ku dhegan Isbitaalka,isagoo sheegay maalin kasta in Boqolaal bukaan ah ay u soo doonan jireen Adeegyo Caafimad oo bilaash ah isbitaalka.

Dr.Maxamed Cabdi Xasan oo ah Isku duwaha Wasaarada Caafimaadka ee degmada Baardheere ayaa shaaca ka qaadey  burburka ku yimid Isbitaalka ay istaageen gebi ahaanba shaqooyinkii ka soconayey Isbitaalka ama ay ku burbureen dhamaan waxii Qalab ahaa ee loo isticmaalayey shaqooyinka Isbitaalka.

Ugu dambeen Dr Maxamed Bashiir Nuur oo ah Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Siyaasada ee Wasaarada Caafimaadka Jubaland ayaa ka deyriyey burburka xoogan ee ku yimid Isbitaalka Baardheere oo saameyn xoogan ay ku yeelatey Adeegyadii Caafimaadka ee degmada,waxuuna ugu baaqey Wasaaradaha Caafimaadka DF iyo  Jubaland in aygurmad deg deg ah la soo gaaran Isbitaalka.