Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh & Amiirka dalka Qatar?

32

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galaya Madasha Qaramada Midoobey ee dalalka soo koraya ayaa halkaas kula yeeshay wada-hadallo wax ku-ool ah Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Amiirka Qatar ayaa kulankooda ku lafa-guray aayaha xiriirka Labada dal iyo danaha wadajirka ah ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka Gobolka, si loo sii xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar

Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad oo Madaxweynaha iyo wafdigiisa uga mahad-celiyey ka soo qeyb-galka Madasha Qaramada ee dalalka soo koraya ayaa xusay sida ay Dowladdiisa uga go’an tahay garab istaagga dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan iyo Amiir Tamiim ayaa isla gartay dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qatar ay ka fulinayso Soomaaliya, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu adkeeyey sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u soo dhaweynayaan cid kasta oo garab istaagaysa.

Dowladda Qatar oo qeyb weyn ka qaatay xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa lagu xasuustaa inay saaxiib weyn la aheyd madaxda dowladdii hore sida Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Agaasimihii hore e NISA Fahad Yaasiin, balse hadda ay xiriir toos ah la yeelaneyso dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.