Guddoonka Baarlamaanka oo Magacaabay Guddi dib u Eegis Dastuur.

57

Guddoonka labada aqal ayaa soo kala saaray labo warqado ay ku magacaabayaan xubno ka tirsan baarlamaanka kuwaa oo dib u eegis kusoo sameynaya qodabo dastuurka ka mid ah , talo bixina u soo jeedinaya guddoonka baarlamaanka.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Shacabka Sacdiyo Samatar oo ah ku simaha guddoomiyaha golaha ayaa soo saartay warqad ay ku magacaabeyso xubno ka tirsan golaha shacabka oo ay sheegtay in talo ka soo bixinayaan qodobada wax kabadalka lagu sameynayo ee dastuurka, waxayna xustay in ay u soo gudbinayaan guddoonka golaha shacabka.

Si la mid ah Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare oo ah kusimaha guddoomiyaha ayaa soo saaray warqad lagu magacaabayo xubno ka dib eegis ku sameynaya wax ka bedalka muddo xileedka baarlamaanka,iyo madaxweynaha.
Wadarta xubnaha la mgacaabay ayaa ah 20 xubnood oo ka kala socda labada aqal.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa socda olale ay hoggaaminyeen xildhibaano oo lagu doonayay in wax ka badal lagu sameeyo muddada xilheynta baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Siyaasiyiinta qaar ayaa sheegaya in qorshuhu yahay muddo kordhib loo sameynayo hey’addaha siyaasadeed ee dowladda sida laanta fulinta iyo baarlamaanka.

Muddada xilheynta baarlamaanka iyo madaxweynaha ayaa ah 4 sano oo ka bilaabaneysa maalinta lagu dhawqaaqo doorashada. Maanta oo sabti ah ayaa Ajendaha golaha aqalka sare lagu darey wax ka bedalka Dastuurka.