Sacuudiga oo xukun dil ah ku fuliyay laba Rag ah

29

Labo Nin ayaa  lagu dilay magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga, kadib, markii lagu helay Falal-dembiyeed culus, sida ay baahisay Wakaallada Wararka ee Saudi Press Agency.

Dembiilaha Koowaad ayaa la sheegay inuu weeraray Xarun Shidaal, isla markaana uu toogasho ku dilay Askari ka tirsan Ciiddanka Ammaanka ee dalkaasi.

Wakaallada Wararka ee SPA ma aysan sheegin xilliga uu Ninkaasi geystay weerarka uu ku dilay Askariga, laguna gubay Xarunta Shidaalka.

Dembiilaha Labaad ayaa ku eedeysnaa inuu Falaad-xumo u geystay wiilal da’ yar.

Wakaallada Wararka ee SPA si cad uma aysan kala sheegin Qaabkii loo adeegsaday dilka labada Eedeysane in la toogtay  la daldalay ama Surka laga jaray.

Dilka labadaasi Dembiile ayaa dhacay saddex maalin kadib, markii 4 Eedeysane oo kale lagu fuliyey Xukun Dil Wadareed ka dhacay Gobalka Baha ee K/Galbeed ee dalkaasi.

Eedeysanayaashaasi ayaa la sheegay inay horey u geysteen Fal Afduub iyo inay Nin kale dileen.

Warbaahinta Dowladda Sacuudiga waxay sheegtay in Tirada Guud ee Xukunada Dilka ee la fuliyey sanadkan ay gaarayaan ilaa 6 Eedeysane.

Sanadkii hore, 81 Eedeysane ayaa hal maalin oo keliya lagu fuliyey Xukun Daldalaad ah bishii March ee sanadkii hore ee 2022-kii.

Si kastaba,  in ka badan 1,000 qof ayaa lagu fuliyey Xukun Dil ah tan iyo markii uu Boqor Salman Bin C/Casiis Ala-Sacuud la wareegay Talada dalkaasi sanadkii 2015-kii, sida lagu  sheegay Warbixin ay soo saareen Ururka Xuquuqda Aadanaha ee The European-Saudi Organisation for Human Rights.