Dahabshiil Baardheere oo Gudiga Dhismaha Buundada Kurmaan ku Wareejisey Deeq Lacageed(SAWIRO)

58

Shirkada Dahabshiil Group Xafiiskeeda Baardheere ayaa maanta waxay deeq lacageed oo dhan $3000 oo Dolar ku wareejiyeen Gudiga Horomarinta degmada Baardheere ee Gobolka Gedo oo gacanta ku dhismaha Buundada Kurmaan.

Cali Maxamed Garaad oo ah Maamulaha Shirkada Dahabshiil Group ee Baardheere ayaa sheegay Deeqdani lacageed in ay ugu talo galeen ka qeyb qaadashada Dhismaha Buundada Kurmaan oo iminka howsheedu ay mareyso wejigii ugu dambeeyey.

Sidoo kale Nabadoon Faarax Hire Guhaad oo ah Gudoomiyaha Gudiga Horomarinta Baardheere  iyo ku xigeenkiisa Axmed Aden Axmed (Dhegacade) ayaa uga mahad celiyey Shirkada Dahabshiil deeqda lacageed ee ay soo gaarsiiyeen.

Kaalmada noocani oo kale ah ayey sheegeen in ay muhiim u tahay dhismaha Buundada Kurmaan oo hadda howsheedu ay mareyso heer gebo gebo ah.