Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka socda Laas-Caanood

53

Waxaa Maanta markale uu dagaal xoogan ka billaawday duleedka magaalada Laas-Caanood ee Xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka.

Goobjoogayaal ayaa ku waramaya in dagaalka uu Maanta uu aad u xoogan yahay, sidoo kalena Ciidamada Somaliland ay madaafiic ku garaacayaan Xafadaha magaalada Laas-Caanood oo badi dadkii deganaa ay ka barakaceen.

Waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka, waxaana Maanta siwyen looga dareemay dagaalka Magaalada Laas-Caanood iyo degaannada hoostaga oo laga maqlayo dhawaqa hubka ay isku ridayaan labada dhinac.

Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa dhowr jeer siyaabo kala gooni gooni ah ugu baaqay in dagaalka la joojiyo, balse labada dhinac ee Somaliland iyo dadka degaanka aysan u hoggaansamin baaqyadaas.