Feysal Cali Waraabe oo Xukuumadda Somaliland ka dalbaday inay ku dhawaaqdo xabbad joojin hal dhinac ah

53

Iyada oo weli dagaalo xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka ay ka socdaan magaalada laas-Caanood ayaa waxaa markii uu horreysay ka hadlay hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID.

Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in si xal nabadeed loo gaaro looga baahan yahay Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi inay ku dhawaaqdo xabad joojin iskeed ah lana wada-hadlo.

“ Si loo dhameeyo xiisadda Laascaanood, xal nabadeedna loo gaadho, waa in xukuumadda Somaliland ku dhawaaqdo xabbad joojin hal dhinac ah. Dawladdu waa inay fududaysaa gargaarka bini’aadantinimo ee dadka barakacay, ayna samayso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo nabadda  ayuu yiri“ Feysal Cali Waraabe.

Hadalkan kasoo yeeray hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Injineer feysal Cali Waraabe ayaa kusoo aadaya xilli weli dagaalo xoogan ay ka socdaan magaalada Laas-Caanood, isla markaana aysan dhaqan gelin baaqyo kasoo baxay Madaxda dowladda iyo Caalamka intaba.