Ciidamo katirsan howlgalka ATMIS,gaar ahaan kuwa Jabuuti oo isaga baxay Soomaaliya

31

Cutubyo ka tirsan ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu ammaanay horumarinta nabadda iyo xasilloonida koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo dalkooda dib ugu laabtay.

Ciidamadaan oo fadhigeedu ahaa degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan  ayaa qeyb weyn ka qaatay gulufyada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan, waxaana ay xiriir wada shaqeyn oo xoogan la yeesheen dhigooda ciidamada XDS.

Isagoo ka hadlayay xafladdii sagootinta ahayd ee ka dhacday magaalada Beledweyne, ayuu Taliyaha Qeybta 4-aad ee ATMIS Col. Xasan Jaamac Faarax ku bogaadiyay ciidamada sida ay u horumariyeen ujeeddooyinka howlgalka ee ah ilaalinta nabadda iyo xasilloonida aagga ay ka howlgalaan.

“Ciidanka baxayay waxay gaareen natiijooyin aad u badan intii ay joogeen; waxay xilkiisa u guteen si karti iyo xilkasnimo leh; waxay ku guulaysteen inay nabadda ka ilaaliyaan magaalada Jalalaqsi iyo deegaanada ku dhow dhow,” ayuu yiri Col. Faarax. “Waxay caawiyeen dadka deegaanka xilliyadii abaarta ba’an ay jirtay. Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo garabsanaaya, ayaa ka qeyb qaatay howlgalladii ugu dambeeyay ee lagula dagaalamayo kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.”

Ciidamada Jabuuti ee qeybta 4-aad ee ka howlgala gobolka Hiiraan ee maamulka Hirshabeelle. Ciidamada Jabuuti oo si dhow ula shaqeynaya dhigooda Itoobiya ayaa si weyn u garab istaagay ciidamada XDS oo dagaal kula jira Al-Shabaab oo ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.