Mahad Kalwo oo si kulul uga hadley xaalada Gobolka Gedo iyo khilaafka Jubaland(Wareysi

367

Gudiyada kale duwan ee ay leeyahiin Jaaliyada Beesha SADE ee dalka dibadiisa ayaa baryahii la soo dhaafey waxay aragtidooda ay ka dhiibteen xaalada guud ee dalka marayo,gaar ahaan arinta ka taagan Gobolka Gedo ee la xariirta Ciidamada DF ee la bilaabay in laga daabulayo Gobolka iyo Arimo kale.

Mahad Axmed Wardheere oo ah Gudoomiyaha Beesha SADE ee Jaaliyada Denmark ayaa waraysi dheer siiyey oo dhinacyo badan taabanaya siiyey Radio Markabley ayaa marka hore waxaa uu sharaxaad ka bixiyey ilaa30 kii sanno ee la soo dhaafey Jaaliyada uu madaxda ka yahay in door muhiim ah ay ku leeyahiin ka war qabka xaalada Gobolka uu marayo,ayna gacan ka geyteen adeegyda nolosha sida Waxbarashada,Biyaha,Caafimadka iyo horomarka.

Mahad kalwe ayaa soo hadal qaadey arinta ku saabsan Ciidamada laga qaadey Gobolka,waxuuna ku tilmaamay Go,aanka lagu qaadey ciidankaasi in ay tahay mid aanan laga fiirsanan,isagoona sheegay DFS in ay xagal daacineyso hanaanka amni iyo midka Maamul ee Gobolka,ayna dooneyso in degmooyinka Gobolka ay ka abuuro Qal Qal amni.

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA GUDOOMIYE KALWO