Dagaal markale ka dhacay Laas-Caanood iyo faah faahino kasoo baxaya

50

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal xoogan oo xalay ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ku dhexmaray duleedka Magaalada LaS-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka oo maalmihii la soo dhaafay socday ayaa hakaday shalay Gelinkii dambe balse Wararka aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu dib u qarxay kadib markii Ciidamada hubeysan ee degaanka ay weerareen Saldhigyada Ciidamada Somaliland ee duleedka Magaalada Laas-Caanood.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay dagaalka ku geeriyoodeen ilaa Saddex Ruux oo labada dhinac ah , sidoo kalena Ciidamada Somaliland ay madaafiic ku garaacayeen Magaalada Laas-CAANOOD.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Injineer Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in si loo dhameeyo xiisadda Laascaanood, xal nabadeedna loo gaaro  in xukuumadda Somaliland ku dhawaaqdo xabbad joojin hal dhinac ah.

Dawladdu waa inay fududaysaa gargaarka bini’aadantinimo ee dadka barakacay, ayna samayso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo nabadda ayuu yiri “Feysal Cali Waraabe.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Laas-CAanood ayaa waxaa ay sheegayaan in saaka rasas goos goos ah laga maqlayo duleedka Magalada Laas-Caanood, halkaas o ay ku dagaalamayaan ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka.