Qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalka ka socda Laas-Caanood oo la keenay Muqdisho

62

Waxaa Maanta Muqdisho gaar ahaan garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde soo caga dhigatay diyaarad siday qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalka ka socda magaalada Laas-Caanood ee Xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay ku dagaalamayaan Ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka degaanka.

Dhaawacyada oo gaaraya ilaa 30 Ruux ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Xubno katirsan labada Golle ee dowladda iyo mas’uuliyiin kale.

Gaadidka gurmadka deg dega ee lagu diyaariyay Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Muqdisho ayaa dhaawacyada soo qaaday, kuwaas oo geeyay qaar kamid ah isbitaallada Magaalada Muqdisho si loogu daaweeyo.

Dhaawacyada Maanta la keenay magaalada muqdisho ayaa isugu jira kuwo culus iyo kuwo fudud, waxaana lagu wadaa in sidoo kale saacadaha soo socda Magalada Muqdisho la keeno dhaawacyo kale.

Maalmo ka hor Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in loo gurmado dadka ku waxyeeloobay dagaalka ka socda Magaalada Laas-Caanood maadaama dowladda Soomaaliya ay mas’uul ka tahay guud ahaan dadka Soomaaliyeed