QM oo dalbatay in baaritaan lagu sameeyo shacabka lagu laayay Laascaanood

68

Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay  Türk ayaa ku baaqay in baaritaan dhab ah oo madax-banaan lagu sameeyay shacabka lagu laayay Magaalada Laascaanood ee Goboka Sool.

Bayaan ka soo baxay Xafiiska Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay Volker Türk, ayaa lagu sheegay in dagaallada ka dhacay Magaalada Laascaanood lagu dilay ugu yaraan 20 ruux, halka lagu dhaawacay dad lagu qiyaasay 119 kale.

Bayaanka ayaa lagu xusay in dagaallada ay sidoo kale ku barakaceen 20 kun oo qof, kuwaasi oo markii hore si nabdoon ugu noollaa Magaalada Laascaanood.

Qoraalka uu soo saaray Volker Türk ayaa lagu sheegay in colaada ka aloosan Magaalada Laascaanood ay sababi kartno barakac horleh iyo xaaalad bini’aadannimo.

“Waxaan ka walaacsanahay dagaallada ka soo cusboonaaday Magaalada Laascaanood iyo khasaaraha ka dhalan kara haddii ay sii socdaan”, sidaasi waxaa yiri Volker.

Ugu dambeyn, Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay Volker Türk ayaa wuxuu ka dalbaday Dowladda Federaalka Soomaaliya in baaritaan lagu kalsoonaan karo oo dhex-dhexaad ah ay ku sameyso waxa sababay colaada Magaalada Laascaanood.