Somaliland oo ku dhawaaqday inay Ciidamadeeda ku jiraan difaac

49

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa shaacisay in dagaalka Magaalada Laas-Caanood uu galay Maalintii labaad, kaas oo u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka Gobolka Sool oo is abaabulay, kuwaas oo hubka qaatay.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Maalintii saddexaad oo xiriir ah ay Kooxaha argagaxisadu weerar ku soo qaadeen xeryaha Ciidanka Somaliland, isla markaana  ciidamadu ku jiraan difaac.

Somaliland ayaa dhowr jeer ku cel celisay in Ciidamadoda ay weerar kusoo qaadeen Kooxo Argagaxiso ah, hayeeshee Odayaasha Dhaqanka Gobolka Sool ay sheegeen inay dagaalamayaan Shacab iska difaacaya Somaliland oo diiday Calanka Soomaaliya.

Maalintii Saddexaad ah oo xiriir ah ayaa waxaa Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ka socda daaal u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka.