Dagaal Maalintii Saddexaad ka socda Laas-Caanood

73

Waxaa Maalintii Saddexaad oo xiriir ah uu dagaal ka socdaa Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya Ciidamada Somaliland oo doonaya inay galaan gudaha Magaalada Laas-Caanood iyo dadka degaanka oo hubeysan oo u diidaya, waxaana siweyn Maanta magaalada Laas-Caanood looga maqlayaa dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayaan labada dhinac.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku waramayaan in goobo horleh lagala wareegay Ciidamada Somaliland ,isla markaana dagaalka xoogiisa uu ka socdo duleedka Magaalada Laas-Caanood.

Wararkii ugu dambeeyay ee nasoo gaaraya ayaa sheegaya in labada dhinac ay helayaan gurmadyo kala duwan oo u imaanaya, iyada oo dadka qaarkood ay oa barakaceen Magaalada Laas-Caanood.