Eng.Idiris oo hadley Ciidamada laga qaadayo Gobolka Gedo iyo saameynta arintaasi ka dhalan karta (Wareysi)

222

Tan iyo intii ay soo baxeen wararka sheegaya in la qaadayo Ciidamo ka tirsan Meletariga soomaaliya oo fariisin ku lahaa degmada Baladxaawo,waxaa talaabadasi ka hor yimid  xubno isugu jira Siyaasiyiin,Maamulo heer gobol iyo jaaliyadaha Beesha SADE ee ku dhaqan dalka dibadiisa

Eng.Idiris Xasan Faarax oo ka mid ah Gudiga Midowga Jaaliyada Beesha SADE ee Yurub ayaa wareysi dheer oo uu siiyey Radio Markabley ayaa waxaa uu sheegay inaan marnaba la aqbali ciidaamada laga rarayo Baladxaawo,isagoo ujeedadana ku tilmaamay mid looga dan leeyahay Ujeedooyin siyaasadeed,waxaana uu tilmaamay baahidii ciidankaasi loo keenay Gobolka Gedo in ay weli taagan tahay.

Arinta Ciidamada la rarayo iyo khilaafka siyasadeed ee ka taagan Jubaland ayaa waxaa uu ku eedeyey Madaxweyne Xasan sheikh iyo Axmed Madoobe oo ujeedadoodu ay tahay sidii loo wiiqi lahaa nabada iyo deganaashaha Gobolka ,waxuuna ka digey sii socoshada fara gelintaasi in ay keeni tarto cawaaqim xumo.

 

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA ENG IDIRIS XASAN FAARAX