Mahad Caano geel oo ah Gudoomiyaha MidowgaJaaliyada Beesha SADE ee Yurub(Dhageyso Wareysi)

473

Mahad Caano geel oo ah Gudoomiyaha Midowga Jaaliyada Beesha Sade ee wadamada Yurub oo Wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyey Radio Markabley Baardheere ayaa waxaa uu si kulul uga Hadley Ciidamada Gorgor ee laga qaadayo degmada Baladxaawo

Mahad Caano geel ayaa dhinaca kale waxaa uu eedeyn u jeediyey Axmed Madoobe oo ah Madaxweynaha Jubaland oo uu ku tilmaamay inuu caqabad uu ku yahay nabada iyo horomarka Goobolka Gedo,dhibaatada soo gaartey Gobolkana uu mas,uul uu ka yahay Axmed Madoobe.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayuu ku dhaliiley kaalintii madaxweyne ee dhex dhexaadnimada uuka gaabiyey,islamarkaana uu amar ku bixiyey in Ciidamada Gorgor iyo hubkooda laga daabulo Gobolka,isagoo talaabadaasina ku tilmaamay,mid lagu wiiqayo Nabada Gobolka Gedo.

 

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA GUDOOMIYE MAHAD CAANO GEEL