Dagaalka Laas-Caanood oo xoogeystay & Saraakiil ku geeriyootay

51

Waxaa xoogeystay dagaalka u dhaxeeya  Ciidamada Somaliland iyo Ciidamada degaanka ee ka socda Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira  dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in dagaalka xoogiisa uu ka dhacay agagaarka Hotelka lagu Magacaabo Xamdi, waxaana la xaqiijiyay in dadka dagaalka ku dhintay uu kamid yahay Kornayl Maxamuud Cali Xirsi (AFGAAB) oo kamid ahaa Saraakiishii sida weyn uga soo horjeeday inay Somaliland maamusho Magalada Laas-Caanood.

Sidoo kale waxaa jira dad Shacab ah iyo Ciidamada degaanka oo dagaalka ku geeriuooday, waxaana weli la maqlayaa rasaas xoogan oo labada dhinac ay is dhaafsanayaan.

Qaar kamid ah Isimada Gobolka Sool ee shirka uga socday Magaalada Laas-Caanood oo hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Somaliland ay weerar gardaro ah kusoo qaadeen Magaalada Balse Shacabka Magaalada ay iska difaaci doonaan.