Muxuu madaxweyne Xasan Sheekh ka yiri heshiiska Koonfur Galbeed?

41

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo goobjoog ahaa saxiixa heshiiska ay gaareen madaxweynaha Koonfur Galbeed, Lafta-gareen iyo xubnaha mucaaradka ah ayaa boggaadiyay tallaabada ay qaadeen labada dhinac.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaaa sidoo kale u mahadceliyay dadkii ka soo shaqeeyay shirka dib u heshiisinta ee guuleystay, maadaama xal looga gaaray xiisadda K/ Galbeed.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ballan-qaaday in dowladda federaalka ay qaadan doonto doorkeeda ku aadan dhaqan-galka heshiiska lagu gaaray magaalada Baydhabo.

“Dowladda federaalka waxa ay diyaar u tahay oo dhinaceeda ka ballanqaaday in wixii kaalin ah ee uga aaddan arrimaha dib u heshiisiinta, qalbi xaarista & arrimaha lagu ballamay hubinteeda & xaqiijinteeda, dhibaato haddii ay dhacday in la xaliyo & in laga ballamo in aanay berri dib usoo laaban,” ayuu yiri madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa heshiis rasmi ah ku gaaray shirkii Baydhabo, ayada oo mucaaradka ay aqbaleen muddo kordhinta halka sano ah ee Lafta-gareen, ayada oo sidoo kale lagu heshiiyay in doorashada la qabto sanad gudihiis, si looga faa’iideysto muddo la haysto.