Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dhul Gariir ka dhacay Turkiga

62

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray Dowladda iyo Shacabka Turkiga oo la dhibaatoonaya dhul gariir khasaare badan geestay oo dalkaas ku dhuftay.

“Anigoo ku hadlaya magaca shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxaan shacabka iyo dowladda Turkiga uga tacsiyeynayaa dhulgariirkii ka dhacay Kahramanmaraş oo laga dareemay gobollo badan oo Turkiga ah,Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa intii ku dhimatay, intii ku dhaawacantayna waxaan u rajeynayaa caafimaad degdeg ah” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Dhinaca kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladda iyo shacabka Turkiga kadib markii subaxnimadii hore ee saaka uu dhulgariir xooggan ku dhuftay degmada Pazarcik ee gobolka Kahramanmaras ee koonfurta dalkaas.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa loogu tacsiyadeeyay dowladda iyo Shacabka Turkiga.