Xildhibaannada oo markale ka doodaya Maanta Hindase sharciyeedka hay’adda NISA

48

Xildhibaannada golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta ay markale ka doodaan Hindase sharciyeedka hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka NISA.

Guddoonka ayaa xalay xildhibaannada u diray fariimo ku aaddan in ay soo xaadiraan kulanka saaka oo sabti ah dhacaya, waxaana ajandahiisu yahay;

1. Dhameystirka Ka doodista Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka

2. Ka doodista Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Korantada.

xildhibaannada ayaa hadda ku sii qulqulaya xarunta villa hargeysa oo ay si kumeel gaar ah u dagan yahay baarlamaanka Soomaaliya.