Qoor Qoor oo war ka soo saaray dilka wasiir ka tirsanaa maamulka Galmudug

16

Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa uga tacsiyeeyay Ummadda Soomaaliyeed iyo reer Galmudug geerida ku timid Allaha u naxariistee Wasiir Farxiya Cabdi Maxamed oo aheyd Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Galmudug oo xalay ay kooxo hubeysan ku dileen Magaalada Muqdisho.

Qoor Qoor ayaa si gaar ah tacsi ugu diray qoyska iyo qaraabada Marxuum Farxiya Cabdi Maxamed Waasuge, wuxuuna Eebbe uga baryay inuu Janadii Firdowsa ka waraabiyo Marxuumadda, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelka iyo qaraabada ay ka baxday.

Dilka Farxiya Cabdi Maxamed Waasuge ayaa si gaar ah uga dhacay waaxda Horseed ee degmada Warta Nabadda, halkaas oo ay daganeyd Marxuumadda.

AUN Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Galmudug Farxiyo Cabdi Waasuge ayaa ku geeriyootay da’da Kontomeeyada, sida ay sheegeen ehelladeeda.