Maxkamadda CQS oo xukun ku ridday odayaal heshiis la soo galay Al-Shabaab

43

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta go’aan rasmi ka soo saartay Odayaal ka soo jeeda Cadaado, kuwaas oo dhowaan laga soo xiray magaaladaasi, kadib markii ay degmada Xarardheere heshiis kula soo galeen Al-Shabaab, kahor inta aysan soo gelin gacanta dowladda.

Odayaasha oo kala ah: Sugaal Warsame Cali, Caliyare Axmed Xeyle iyo Cumar Maxamed Jimcaale ayaa maxkamaddu waxa ay kiiskooda ka yeelatay fadhiyo kala duwan.

18-kii bishan ayaa loo fariistay dhegeysiga dacwadoodii ugu dambaysay, waxa ayna ku doodayeen in ay reer wakiil ka ahaayeen.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ugu dambeyn ku xukuntay saddexda Oday min shan sano oo xabsi ciidan ah iyo sidoo kale il ku haynta Booliska.

Dowladda ayaa horay u mamnuucday la macaamilka Al-Shabaab, maadaama haatan ay howlgallo culus ay ka socdaan gobollada, kuwaas oo guullo waa weyn laga gaaray.