Dhageyso Wareysi Dr.Mire oo Magaalada Muqdisho ka furey Xarunta Caafimaadka London fertility Center.

79

Dr.C.kariin Maxamed Mire oo ah Dhakhtar Soomaaliyeed ee dhowaan dalka dib ugu soo laabtey 28 sanno oo uu ka maqnaa ayaa suurta geliyey in Xarun Caafimaad oo lagu magacaabo London fertility Center ka furey Magaalada Muqdisho,Xaruntan oo adeegyo caafimaad u qabaneysa Bulshada.

Dr.C.kariin Maxamed Mire ayaa waxuu Waxbarashada Dugsiga Sare kaga baxay degmada luuq ee Gobolka Gedo, Burburkii dalka ka dib ayuu aaday dalka ingiriiska halkaas ayuuna ilaa heer jaamaceeed uu kasii watay waxbarashadiisa intaa kadib waxaa uu ka soo shaqeeyey wales combrige Hospital waxaana uu leeyahay Qibrad 15 sanno ah.

Dhakhtarka oo wareysi siiyey Radio Markabley-Baardheere ayaa ugu horeyntii waxaanu weydiiney” maalmo ka hor waxaad Isbitaal Casri aad ka furtey Magaalada muqdisho ee la magac baxay Xarunta London fertility Center,sidee ayey kuugu suurto gashey,hergelinta isbitaalkaasi iyo waxa idiin gaarka ah?

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA DR,CABDI KARIIN MAXAMED MIRE