Xilliga ay dhaceyso Doorashada kursiga uu banneeyay Mahad Salaad oo la shaaciyay

39

Guddiga Ku-meel-gaarka ah ee doorashada kuraasta ka dhimman Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta shaaciyay xilliga la qabanayo kursigii uu banneeyay agaasimaha hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Mahad Salaad.

Kursigan oo tirsigiisu yahay Hop147 ayaa deegaan doorashadiisu tahay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka goboleedka Galmudug, waxaana guddigu uu sheegay inay doorashadiisu dhici doonto kowda bisha soo socota ee February.

Kahor inta aan madaxweynaha Soomaaliya u magacaabin agaasimaha NISA, Mahad Salaad ayaa ahaa xildhibaan ka tiran Baarlamaanka 11-aad, iyada oo bishii Februray 17-keed 2022 uu markii saddexaad ku guuleystay tartanka kursigan, kadib markii ay u tanaasushay Shamso Cabdullaahi Maxamed oo la tartameysay.

Guddiga doorashada ayaa sidoo kale dhawaan shaacin doona xilliga la qaban doono doorashada kuraasta kale ee ka dhimman Golaha Shacabka, kuwaas oo uu ku jiro kursiga uu banneeyay Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.