Ra’iisul wasaare Xamza oo kulan la yeeshay safiirka Imaaraadka + Ujeedka

53

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, Mudane Ahmed Jumah Alromaith.

Labada ma’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa maalmihii dambe waday kulamo uu la qaadayo safiirada caalamka, wuxuuna horay ula kulmay danjireyaasha Sacuudiga iyo Qatar.