Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa magaalada Dakar ee dalka Senegal kulan muhiim ah kula yeeshay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) Dr. Akinwumi Adesina iyo xubno sare oo ka tirsan Bangiga.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi ayaa warbixin ka siiyay Madaxweynaha Bangiga xaalada Dhaqaalaha Soomaaliya iyo horumar laga gaaray arrimaha dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo kordhinta mashariicda Bangigu uu ka wado Soomaaliya.
Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Dr. Akinwumi Adesina ayaa ku bogaadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay horumar wayn ka samaysay barnaamijka Deyn Cafinta iyo dib-u-habeynta hannnaanka Dhaqaalaha dalka. Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sheegay in Bangiga uu garab taagan tahay Soomaaliya si ay ugu guulaysato arrimaha dib-u-habeynta iyo dhamaystirka Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya oo dhamaystirka ku dhaw.