Maxaa Maanta looga hadlay Kulankii Maanta ee Golaha Shacabka?

45

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka  Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa Shir Guddoomiyay Kalfadhiga 2-aad Kulankiisa 13-aad ee Golaha Shacabka, kaas oo ka qabsoomay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka Maanta ayaa ajandihiisu ahaa Qeybinta Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka  iyo Nabadsugidda Qaranka, kaas oo Xildhibaannada ay akhrinta koowaad soo marsiiyeen.

Furitaanka Aayadaha Qur’aanka kariimka maanta waxaa xildhibaanada Golaha shacabka BJFS ka hor Aqriyay Sheekh Xasan Al-Waajidi oo kamid ahaa xubnaha culimadii ka qeybgalayay Shirka Culimada Soomaaliyeed ee dhawaan ku soo gabagaboobay magaalada muqdisho.

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdullaahi Cumar Abshirow Ayaa soo xiray kulanka maanta Asigoona xildhibaanada siiyay muddo 3 maalin ah in ay ku soo Aqiryaan Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee maanta loo qeybiyay.