Somaliland oo ciidamo soo dhoobtay koonfurta Laascaanood + Sababta

37

Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay Somaliland ay ciidamo fara badan ay soo dhoobtay koonfurta magaalada Laascaanood.

Ciidanka RRU iyo kuwa milatariga ee maamulkaas oo wata hub culus iyo gaadiid dagaal ayaa la geeyay meel aan sidaas uga fogeyn agagaarka magaaladaas.

Tallaabada cusub ee ay qaaday Somaliland ayaa muujineyso in cagta saartay waddadii dagaalka, si ay gudaha u gasho magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Dhankooda ciidamada deegaanka ee ku sugan halkaasi ayaa iyaguna wada dhaq-dhaqaaqyo ay isaga difaacayaan Somaliland, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in markale ay dagaallo ka dhacaan halkaasi.

Laascaanood oo ay horey uga dhaceen rabshado sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa weli ku jirta xaalad adag, waxaana haatan ku sugan waxgaradka gobolka Sool.