Puntland oo Goob fagaaro ah ku burburisay waxyaabaha maanka dooriya

39

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Nugaal, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Puntland  ayaa goobjoog ka ahaa goob fagaaro ah oo lagu burburiyay Khamri Gaaraya ilaa 850 Dhalo iyo xashiish Dhan 26 Duub.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa u mahadceliyay Ciidamadii khamrigan tirada badan iyo xashiishadan ummadda ka soo qabtay.

Taliyaha qaybta Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa Waalidiinta ugu baaqay inay Guryahooda,Gadiidkooda iyo Caruurtooda la socdaan si waxay quudanayaan iyo sadaqada ay la baxayaan xalaal ugu noqoto.

Taliyaha qaybta Nugaal G/Sare Xuseen Cali ayaa sheegay in Gurigii dambe ee lagu qabto Mandooriye inay dowladu la wareegayso sida Gaadiidkii lagu qabtay Mandooriyahan Dowladdu ula wareegtay.

Puntland ayaa sanadihii la soo dhaafa dagaal adag kula jirtay Maandooriyeyaasha kala duwan, waxaana dhowr jeer la xiray dad lagu qabtay maandooriye iyo kuwo ka Ganacsanayay.