Magaalada Muqdisho waxaa maanta si rasmi ah uga furmayo Shir weynaha Culimada Soomaaliyeed oo uu horey ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Shirka ayaa waxaa ka qayb-galaya inta badan Culimada Soomaaliyeed oo isaga kala timid gudaha dalka iyo dibaddiisa, maadaama shirka uu yahay aad u sarreeya oo muhiim ah.