Heshiis si rasmi ah oo loogu wareejinayay ayaa waxaa kala saxiixday ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya (SRCC) ahna Madaxa ATMIS Ambassador Mohamed El-Amine Souef iyo Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya, C/nuur Daahir Fiidow.
Wareejinta rasmiga ah ayaa daba socotay kaddib markii ciidamada ATMIS ee Burundi ay baneeyeen xerada Maslax, kadibna ay la wareegeen ciidamada qaranka Soomaaliyeed 15-kii Janaayo.
Danjire Souef ayaa carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ATMIS ay ka qaadatay sugidda amniga caasimadda Muqdisho, iyo fududeynta howlgallada ciidan ee caasimadda.
Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in xil wareejinta ay ku soo aadeyso xilli dowladda Federaalka ay xoojisay howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.
Taliyaha ATMIS ee Burundi, Brig. Gen. Jean Claude Niyiburana ayaa u mahad celiyay bulshada deegaanka Maslax oo uu sheegay in ay garab istaagi jireen sanadihii lasoo dhaafay isagoo intaa ku daray in ciidamadiisa ay sii wadi doonaan doorkooda ku aadan xasilinta.