Ciidamada Haramcad oo la wareegay howlgalka ka socda Xarunta Gobolka Banaadir

87

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir G/le Sare Mahdi Cumar Mumin (Macalin Mahdi) oo HOgaaminaya ciidanka sida gaarka ah u tobabaran ee Haramcad ayaa gudaha u galay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee xamar oo gordhaweyd ay gudaha u galeen xubno ka tirsan Al-Shabaab0.

Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa lagu soo warramayaa inay toogasho ku dileen qaar kamid ah xubnaha weerarka ku qaaday xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Sidoo kalana ciidanka ayaa soo badbaadiyay xubno ka tirsan Maamulka Gobalka iyo qaar kamid ah shaqaalaha ku sugnaa xarunta, xilliga uu bilaabanayey.

Weerarkan ayaa ku billowday qaraxyo, waxaana kadib ay rag hubeysan gudaha ugu daateen xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan oo ay mas’uuliyaddiisu sheegatay Al-Shabaab, waxaana xaaladdu ay tahay mid kacsan.