Wasiir geeriyooday isagoo ka qeyb geli lahaa Kulankii Golaha Wasiirada

33

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Gabon, Michael Moussa Adamo ayaa geeriyooday, xilli uu sugayey inuu ka qeyb galo Shirkii Golaha Wasiirada oo ka dhici lahaa Caasimadda dalkaasi ee Libreville.

Madaxweynaha dalka Gabon, Ali Omar Bongo Ondimba ayaa xaqiijiyey Geerida wasiirkaasi.

Qoraal uu Madaxweyne Bongo soo dhigay Bartiisa Twitter-ka syuu ku sheegay inuu Wasiir Adamo ahaa Diplomasi weyn iyo Saaxiibkiisa Koowaad.

Waxa uu intaasi ku daray inay Geeridaasi tahay Lumis weyn oo ku timid dalkiisa.

Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Gabon ee geeriyooday, Michael Moussa Adamo waxa uu ahaa 62 jir oo muddo dheer jaal la ahaa Madaxweyne Bongo.

Ilo-wareedyo ku dhow Madaxtooyada dalkaasi oo la hadlay Wakaallada Wararka Faransiiska ee AFP ayaa sheegay inuu Wasiirka uu fariistay Qolka Sugitaanka, ka hor inta uusan bilaabanin Shirka Golaha Wasiirada, iyadoo ay la joogeen qaar ka mid ah Golahaasi.

Wasiir waxa uu dareemay xanuun, waxaa loola cararay Isbitaalka Milliteriga, halkaasi oo uu Duhurnimadii maanta ku geeriyooday.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay inuu Wasiirku u geeriyooday Wadno-xanuun.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Gabon ee geeriyooday, Michael Moussa Adamo waxa uu sanadkii 1961-kii ku dhashay Degmadda Makokou oo ku taalla W/Bari ee dalkaasi.

Waxa uu Shaqo ka bilaabay Telefishinka Qaranka, isagoo ka ahaa Soo-jeediye.

Sanadkii 2000, waxa uu noqday Madaxa Shaqaalaha ee Wasiirka Difaaca uu xilligaasi ahaa Madaxweynaha haatan ka taliya dalka Gabon.

Markii uu Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Omar Bongo Ondimb uu greeriyooday sanadkii 2009-kii waxaa xilka Madaxweynaha qabtay Ali Omar Bongo, waxaana Michael Moussa Adamo noqday La-Taliyaha Khaaska ee Madaxweyne Ali Omar Bongo.

Wasiirka geeriyooday maanta ee Michael Moussa Adam wax uu muddo 10 sano soo noqday Danjiraha dalka Gabon u jooga dalka Maraykanka ilaa sanadkii 2020-kii.

Kadib, waxa uu noqday Wasiirka Difaaca, iyadoo haddana loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibedda bishii March ee sanadkii hore ee 2022-kii.