Maxaa looga wada hadlay Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka

45

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabti ah waxaa ay Xarunta Villa Hargeysa ku yeelanayaan mid kamid ah kulamadooda caadiga ah.

Qoraal loo diray Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa lagu wargeliyay inay soo xaadiraan kulanka Maanta ee Golaha Shacabka, isla markaana waqtiga ilaaliyaan, sida lagu go’aamiyay Kulankii khamiista ee Guddiga Joogtada Golaha Shacabka.

Ajandayaasha Maanta ee Kulanka Golaha Shacabka ayaa waxaa uu yahay Qeybinta Hindise Sharciyeedaka Hay’adda dhiirigalinta Maalgashiga Soomaaliya iyo  Qeybinta Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kulamadooda mararka qaar ay baaqdaan ayaa waxaa horyaalla Ajandayaal dhowr ah, kuwaas oo doodoodu ay weli taagan tahay.