Dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ka socdo duleedka Magaalada Laascaanood

51

Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa waxaa bilaabay maleeshiyaadka deegaanka ee ka soo horjeedo Somaliland, kuwaas oo isku fidiyay agagaarka magaalada.

Sidoo kale ciidamada Somaliland ayaa ku sugan halkaas, kuwaas oo iyaguna abaabul ka wada duleedka magaalada Laascaanood.

Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinaya in markale ay dagaallo ka dhacaan halkaasi, maadaama ay soo laba kacleysay xiisadda ka taagan magaaladaasi.

Laascaanood ayaa waxaa todobaadyo kahor ka dhacay rabshado xoogan oo isku beddalay gacan ka hadal iyo dagaal toos ah, kuwaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.