Dowladda oo War kasoo saartay weerarkii ka dhacay Galcad guulana ka sheegatay

38

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in in ka badan 100 ka tirsan Al-Shabaab  saaka la dilay kadib markii ay weerar ku soo qaadeen saldhig ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku yaalla Magaalada Galcad ee Gobalka Galguduud halkaas oo ka mid ah goobihii dhawaan laga saaray Al-Shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dagaal culus oo  ka dhacay degmada Galcad lagu jabiyay  Al-Shabaab, isla markaana meydadkooda ay daadsan yihiin goobta dagaalka sidoo kalena laga gubay gaadiid dagaal oo gaaraya ilaa shan gaari, kuna jiro mid ka mid ah gawaarida gaashaaman oo Al-Shabaab ay  xilli hore ku qabsatay dagaalo dhacay.

“ Ciidamada Xoogga Dalka waxaa dagaalka uga dhintay 7 askari oo uu ku jiro sarkaal ka tirsanaa Guutada Danab. Goobta waxaa si buuxda gacanta ugu haya Ciidamada Xoogga Dalka, sidoo kale dowladda Soomaaliya waxa ay u mahadcelinaysaa Saaxiibada Caalamiga ah oo gacan ka gaystay jabinta Al-Shabaab ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay dowladda.

“ Dawladdu waxay Ilaahay uga rajeynaysaa in uu shahaadadooda u aqbalo Ciidamada Xoogga Dalka ee goobtaas ku shahiiday, iyadoo dhanka kalena hambalyo u diraysa geesiyaasha halganka adag kula jira Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu yiri” Warka dowladda

Ugu dambeyn Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay  ka go’an tahay in ay dalka oo dhan ka xorreyso Al-Shabaab, waxaana xusid mudan in howlgalladii ugu dambeeyay ay Ciidamada xoogga dalka iyo dadka degaanka kula wareegeen degaano dhowr ah.