Dagaal ka socda degaan hoostaga Magaalada Beledweyne

48

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka iyo Al-Shabaab oo ka socda deeganka Beer-xaano oo dhaca Koonfurta Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii Ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka ay weerareen degaanka Beer-xaano ,kadib markii ay ka warheleen inay isku aruursanayeen deegaanka Beer-xaano.

Saraakiil katirsan Ciidamada dib u xoreynta ayaa sheegay inay dagaalka khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen Al-Shabaab dagaalka, waxaana degaanka gaaray Ciidan gurmad ah oo Beledweyne ka baxay isla markaana uu hoggaaminayo guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda degmada Beledweyne Cabdiraxmaan Diini Maxamed.