Mas’uuliyiin kala duwan oo ka hadlay weerarkii lagu dilay Taliye kuxigeenkii DANAB

31

Mas’uuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya, dowlad Goboleedyada, Siyaasiyiin iyo Xuldhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay weerarkii ka dhacay degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, kaas oo lagu dilay Taliye kuxigeenkii Ciidanka Kumaandooska xoogag dalka ee DANAB.

Madaxweynaha  Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlaya Afka Golayaasha Maamulka iyo Shacabka Hirshabelle ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Allaha u naxaristee Taliye Xigeenkii Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Marxuum Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) iyo  Ciidamadii saakay ku dhintay dagaal ku biloowday qaraxyo oo Al-Shabaab ku qaadeen Degmada Galcad Gobolka Gadaduud ee Galmudug.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku ahaa geesi qaran oo naftiisa u huray difaaca dalka iyo dadka, isagoo lafdhabar u ahaa howlgalladii Al-Shabaab looga saaray deegaanada iyo degmooyinka Hirshabeelle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay marxuum Xasan Tuure iyo geesiyaashii la dhintay inuu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, Inta dhaawaca ahna uu Eebbe u boogo dhayo, dhamaan qoysaskii, qaraabadi iyo Ciidanka Xoogga Dalka oo ay ka baxeen samir iyo iimaan Eebbe haka siiyo.

Sidoo kale weerarka Galcad ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha golaha Shacabka Sheekh Aadan maxamed Nuur Madoobe, Xildhibaano katirsan labada Aqal , iyaga oo tacsi u diray Taliye kuxigeenkii Ciidanka DANAB iyo Ciidamada kale ee weerarka lagu dilay.

Al-Shabaab ayaa bilihii la soo dhaafay kordhiyay weerarada qaraxyada ku billaawda oo ay la beegsanayaan degaannadii iyo degmooyinkii laga saaray, waxaana weeraradii ugu dambeeyay ay kudileen saraakiil kala duwan oo katirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.