Guddoomiye Aadan Madoobe oo Ciidanka ATMIS kala hadlay sugida Amniga Shirka Baydhabo

32

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa kulan saacado socday la qaatay saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta qeybta 3-aad ee ATMIS eek u sugan Magaalada Baydhabo.

Kulanka ayaa looga hadlay amniga guud ee magaalada iyo nawaaxigeeda iyadoo saraakiisha ciidanka ATMIS ay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS u sheegeen in ay sugi doonaan amniga guud ee magalada, goobta shirka lagu qabanaayo ee Baydhabo, wufuuda imaaneysa iyo amniga madaxda qaranka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyay ciidanka nabad ilaalinta qeybta 3-aad ee ATMIS isagoo ku dhiirageliyay in laga taxdaro weerarada Al-Shabaab, wuxuuna xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka wadashaqeyaan amniga.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in uu Magaalada Baydhabo ka urmo shirka dib u heshiisiinta Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed, waxaana sidoo kale shirka ka qeyb geli doona furitaankiisa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.