Madaxweyne Xasan Sheekh oo Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada

50

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo looga hadlay hirgalinta qorsheyaasha wax-qabadka hay’adaha dowladda ee sanadka 2023.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku bogaadiyay Golaha Wasiirada diyaarinta qorshe sanadeedka waafaqsan hiigsiga qaran ee horumarka, xoreynta dalka iyo dib u dhiska ciidamada Qaranka ayaa markale adkeeyay in sanadka 2023 uu yahay sanadka dib u xoreynta dalka iyo dhammeystirka dhismaha hay’adaha dowladda.

Madaxweynaha oo xusay ahmiyadda qorsheyaasha sanadkan loo madlanyahay hirgalintooda ayaa faray Golaha Wasiirada in si mas’uuliyad wadareed ah ay waajibaadkooda u gutaan iyaga oo mudnaan gaar ah siinaya isla xisaabtanka si loo xaqiijiyo himilooyinka ay muddada dheer ku taamayaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale ka dalbaday Golaha Wasiirada in si degdeg ah loo gaarsiiyo adeegyada dowladda deeganada laga saaray Al-Shabaab,  iyada oo la hubinayo tayada Mashaariicaha dalka laga fulinayo in ay yihiin kuwo waxtar waara u leh bulshada.