RW Xamse oo Shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga dalka

37

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey kulan looga hadlayey xaaladda amniga dalka iyo cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya muddada dheer.

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha ayaa ka warbixiyay hawlgallada dib u xoreynta, oo illaa hadda guulo waaweyn laga gaaray gaar ahaan gobollada Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Dowladdu waxaa ay sheegtay in Hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab lagu dilay in ka badan 2000 oo Al-Shabaa ah afartii bilood ee u dambeysay.

Ra’iisul Wasaaaraha ayaa xusay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay in guud ahaan dalka laga saaro Al-Shabaab si Bulshads ay ugu noolaadaan Amni.

Waxaa kale oo uu sheegay in xukuumaddu dadaal gelin doonto sidii ay ugu guulaysan lahayd in dalkeenna laga qaado cuna-qabateynta hubka.

Shirka ayaa lagu soo jeediyay dhisitaanka guddi ka kooban laba heer oo kala ah guddi fulin iyo guddi farsamo oo ka shaqeyn doona fulinta bartil-maameedyada qorsheysan ee Dowladda Soomaaliya ku xaqiijinayso in dalka si dhameystirsan looga qaado Cunaqabataynta hubka, taasi lagu fulinayo muddo sanad gudaheed ah.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa sidoo kale lagu gorfeeyey hindise sharciyeedyada Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka, hindise sharciyeedka la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada iyo hindise sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya.