Qaar kamid ah dhaawacyada Qaraxyadii degmada Maxaas oo la keenay Muqdisho

59

Magaalada Muqdisho ayaa la soo gaarsiiyey 28 qof oo qaba dhaawacyo kala duwan, kuwaas oo ka mid ahaa dadkii saakay  Al-Shabaab ay ku qarxisay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka iyo Taliska ciidan xoogga dalka ayaa iska kaashaday soo qaadista dhaawacyada, iyagoo fulinaya awaamiirta madaxda dowladda Soomaaliya.

Xildhibaano, masuuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir iyo madaxda hey’adda Maareyta Masiibooyinka Qaranka ayaa dhaawacyadaan kaga hortagay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.