Wararkii ugu dambeeyay Dagaal Saaka ka Qarxay Magaalada Baydhabo

46

Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad hubeysan ayaa waxuu saaka wuxuu ka qarxay Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

Dagaalkan ayaa bilaawday kadib markii Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed ay weerar ku qaadeen guriga mid ka mid ah musharaxiinta mucaaradka, kaas oo lagu magacaabo Maxamed Aadan Fargeeti oo ah Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalkan ka qarxay Magaalda Baydhabo.

Dhinaca kale Fargeeti oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen ciidamada Koonfur Galbeed oo kaashanaya kuwa dowladda ee ka howlgala magaalada Baydhabo.

“Waxaa saaka aroortii gurigeyga Baydhabo ku yaal weerar gardaro ah ku soo qaaday ciidamo isugu jira Booliska Federalka, NISA, Ciidanka Xooga SNA iyo darawiishta KG. Wilina dagaalka wuu socdaa”, ayuu yiri Fargeeti.

Dagaalkan ayaa salka ku hayo xiisadda ka dhalatay Koonfur Galbeed, gaar ahaan muddo kororsiga madaxweyne Lafta-Gareen, oo ay si weyn uga soo horjeedaan xubnaha mucaaradka.