Sarkaal katirsan ciidamada dowladda iyo ilaaladiisa oo qarax lagu dilay

32

Wararka naga soo gaaraya duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaasi qarax lagu dilay Sarkaal katirsan Ciidamada MillatEriga Soomaaliya iyo ilaaladIIsa.

Sarkaalka oo lagu Magacaabi jiray laba Xidigle Cabdirashiid Axmed Cabdulle ayaa qarax miinada nooca dhulka lagu Aaso ah qabsaday gaari uu watay xilli uu marayay wadada u dhaxeeysa degmooyinka Jowar & Mahadaay, waxana halkaasi ku dhintay Sarkaalka iyo Afar kamid ah ilaaladiisa.

Sarkaalka qaraxa lagu dilay oo katirsan Ciidamada guutada Afaraad ayaa hoggaaminayay Ciidamo ilaalo ka hayay deeq Macaawino ah oo laga keenay magaalada Jowhar, kuwaas oo loogu talo galay qoysas kunool degmada Mahadaay, hayeeshee qaraxa uu qabsaday.

Ciidamo farabadan oo katirsan kuwa Millateriga Soomaaliya ayaa gaaray halka qaraxa uu ka dhacay, waxaana meydka Sarkaalka iyo Askartii la dhimatay la geeyay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle.

Alle ha u Naxariistee laba Xidigle Cabdirashiid Axmed Cabdulle ayaa kamid ahaa Saraakiishii hoggaamineysay howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ka fuliyeen degaano hoostaga degmada Mahadaay, isla markaana ay la wareegeen degaano ay gacanta ku hayeen Ururka Al-Shabaab.