Madaxweynaha KGS oo cafis u fidiyay maxaabiis ku xirnaa Baydhabo

58
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed [Laftagareen], ayaa cafis u fidiyay qaar kamid ah maxaabiista ku xiran xabsiyada ku yaalla Magaalada Baydhabo.
Maxaabiistan cafiska loo fidiyay ayaa lagu sheegay in ay ahaayeen kuwa u xirnaa dambiyo fudud, sida lacago deymo ah oo lagu oo ay bixin waayeen.
Madaxweyne Laftaareen ayaa sida la tilmaamay bixiyay deymihii lagu la’haa dhalinyaradan, taasi oo keentay in dib loo siiyo xorriyaddooda.
Cafiska maxaabiistan ayaa imaanaya iyadoo Maamulka Koofur galbeed uu dabaal-dagayo sanad guuradii 4-aad markii talada Maamulka uu la wareegay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed.