Mahad Salaad oo Taliyaha NISA ee Gobolka Gedo u Magacaabey Jeneral Jamal Sarey

37

Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa taliye cusub u magacaabay Gobolka Gedo, toddobaad ka dib markii Qarax lagu dilay taliyihii hore Bakaal Kooke.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Mahad Salaad,, waxaa taliyaha NISA ee gobolka Gedo loo magacaabay General Jamaal Xasan Sareey oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliya, kaasoo hadda hoggaamin doona ciidamada NISA ee gobolka Gedo.

Gen. Sareey ayaa la sheegay inuu yahay sarkaal leh tababar sare oo ka tirsan ciidamada Booliska , iyadoo uu la wareegi doono qorshaha dagaalka Al-Shabaab ee la filayo inuu ka billowdo gobolka Gedo.